Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirweyne ka furmay magaalada Muqdisho

Shir weyne ay ku baaqday dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho kaas ujeedkiisu lagu sheegay horumarinta geeddi socodka nabadda Somalia iyo in laga soo saaro talooyin suuragal ka dhiga kara in dalka doorasho dimuquraadi iyo afti dadweyne ay ka qabsoonto sanadka 2016ka.

Kulanka ayaa furitaankiisa waxa ka qaybgalaymadaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan SH Maxamuud,ergooyin ka socda maamulada gobolada dalka qaarkood,Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya iyo marti sharaf kale oo fara badan .

Waxa shirka ka maqnaa Puntland oo horey u shaacisay in ay xiriirka u jartay dowladda federaalka.

Waxa furitaankii shirka joogay wariyaha BBCda ee muqdisho MI Macalimuu warbxintan ayuuna ka soo diray.