Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waxay ila tahay

Barnaamijka doodda ee toddobaadkan wuxuu ku saabsan yahay fatwadii dhawaan ay culimada Soomaaliyeed ku soo saareen al-Shabaab, oo ahaa inay xaaraam tahay in laga qeybgalo ama la taageero Xarakada al-Shabaab, isla markaana ku tilmaameen urur xagjir ah oo baadiyoobay.

Haddaba suaalaha ugu waaweyn ee aan is weydiin doonno waxaa ka mid ah:

Fatwadani sax ma tahay? Sidee loo arkaa? Saameyn ma yeelaneysaa? Culimadu hadda ka hor xagee ku maqnaayeen? iyo suaalo kale.

Waxaa barnaamijka nagala qeybgalaya Qaar ka mid ah culamaau'diin Soomaaliyeed oo qaar shirkaasi ka qabygalay, qaar aan ka qaybgalin laakiin taageersan, qaar diidan oo ka soo horjeeda, aqoon yahanno iyo weliba dhageystayaasha BBC oo kaga qaybgelaya barnaamijka xagga telefoonka, facebook, qoraal.