Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dagaalka al-Shabaab iyo dowladda

Image caption al-Shabaab waxay gacanta ku hayaan gobollo ka tirsan koonfurta Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay sheegtay inay ku talo jirto sida ugu dhaqsaha badan in al-Shabaab ay uga saarto dhammaan gobollada dalka ee gacanta ugu jiraa al-Shabaab.

Hadalkan ayaa Wasiirka gaashaandhiga dowladda Soomaaliya, Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi, waxa uu u sheegay warbaahinta dowladda mar uu booqanayay magaalada Beledweyne oo toddobaadkan weerar is qarxin ah oo ay qaadeen al-Shabaab ay ku dhinteen ugu yaraan 14 qof in ka badan soddona ay ku dhaawacmeen.

Laakiin dadka ka faalooda siyaasadda iyo arrimaha ammaanka ee Soomaaliya sidey u arkaan arrintan.

Cabdirashiid Khaliif Xaashi waa agaasime ku xigeenka machadka daraasaadka ee Heritage ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho, Farxaan Maxamed Jimcaale ayuu uga warramay qorshahan iyo waxa ka suurtoobi kara.