Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wareysi Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan

Image caption Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan, Raiisul Wasaare ku xigeen ahna wasiirka arrimaha dibedda

BBC ayaa maalmahan wadday taxane ay ugu magac dartay 100 haween ah dunida barkeed oo hadleysa - kuwaasi oo lagu eegayo nolosha haweenka adduunka hawlaha iyo caqabadaha horyaal, iyo weliba fursadaha ay sameeyeen oo qaar ka mid ah ay meelo waaweyn dunida ka gaareen.

Haddaba dhinaca Soomaaliya markaan eegno, Fawzia Yusuf Haji Aden waa haweeneydii ugu horeysay ee Ra'iisul wasaare ku xigeen iyo wasiirka arimaha dibadda ka noqota dowladda Soomaaliya, Waxyaabihii u qabsoomay iyo culeyska shaqadeeda ayay waxaa uga warrantay wariyaha BBC Maxamed Ibraahim Macalimuu.