Dumarka ka qeyb qaadan doona kulanks BBC-da

Dumarka
Image caption Dumarka ka qeybqaadanaya shirka BBC-da

Waxa ay dhammaan ka soo kala jeedaan daafaha caalamka, iyo qeybaha kala geddisan ee bulshada. Waxa ay sameeyaan wax kasta sida miyuusigga, badbaadinta noolasha, korriinta ubadka, ganacsiga, qoraalka, arrimaha diinta iyo jilidda riwaayadaha iyo majaajillooyinka.

Waxa ay u ololeeyaan danahooda, waxayna hiigsanayaan noolol wanaagsan iyaga iyo qoysaskoodu.

Maalinta jimcaha ah, 25-ka bisha Octoobar, dumarkaasi waxay xarunta BBC-da ee London, daarta Broadcasting House, u imaanayaan maalin khaas ah oo dood iyo wada-xaajood ah.

Waxa aan weydiin doonnaa in ay noo sheegaan halka ay dumarka maanta caalamka kaga jiraan iyo in ay dejiyaan hammigooda mustaqbalka.

Waxa aad BBC TV-ga, raadiyaha iyo barta internedka kala socon kartaa wixii ka soo kordha.

Waxa aan faahfaahin badan soo bandhigi doonnaa, hadba marka ay soo dhawaato maalintaasi. Intaa ka hor, waxa aad hoos ka dheehan kartaa magacyada haweenkani oo loo soo kala hormariyay sida ay u kala weyntahay jagadooda amma mansabkoodu

Salwa Abu Libdeh weriya falastiini ah oo u shaqeysa TV Falstiin ah

Madawi Al-Rasheed Aqonyahanad u dhalatay Sucuudiga, khabiirna ku ah arrimaha jinsiyadda@MadawiDr

Nadiya Al-Sakkaf Tifaftire, wargeyska Yemen Times@yementimes

Sreymom Ang haweeney sameysa dharka casriga ah.

Anna Arrowsmith Maareeyaha shirkad soo saarta filimada galmada @annaarrowsmith

Joyce Aoko Aruga macallimad haatan tababar ku jirta, una dhalatay Kenya.

Moe Thuzar Aung agaasime-ku-xigeen, warbaahinta dowladda ee dalka Myanmar (MRTV)

Rehana Azib Qareen/Garyaqaan xarunteeda tahay London.

Svetlana Bakhmina Qareen/Garyaqaan Ruush ah

Zainab Hawa Bangura Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan xad-gudubyada dhanka galmada ee xilliyada colaadda

Michaela Bergman Madaxa arrimaha bulshada ee bangiga Yurub ee dib u dhiska iyo horumarinta

Claire Bertschinger kalkaaliye caafimaad oo haysata dhalashada ingiriiska iyo Switzland, shaqadeeda ay dhiiri gelisay Live Aid.

Ingrid Betancourt siyaasi haysata dhalashada Faransiiska iyo Colombia isla markaana ay horey u qafaasheen fallaagada Farc@BetancourIngrid

Cherie Blair Abukaate British ah isla markaana ah qof ka shaqeeya arrimaha gargaarka aadanaha@CherieBlairFndn

Emma Bonino wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga@emmabonino

Yvonne Brewster macalin ahna qoraa dhigtana filimaanta

Gurinder Chadha agaasime filim oo British ah@gurinderc

Nervana Mahmoud Qoraa reer Masar ah

Irina Chakraborty ingineer haysata dhalashada Ruushka, Finland iyo Hindiya.

Eveles Chimala Umuliso reer malaawi ah.

Chipo Chung jilaa u dhalatay Shiinaha haysatana dhalashada Zimbabawe@chipochung

Helen Clark madaxa barnaamijka horumarinta ee Qaramada Midoobey anha ra’iisalwasaarihii hore ee New Zealand@HelenClarkUNDP

Diane Coyle Dhaqaalo yahan, qoraa buugaagta iyo faalooyinka intarneedka la geliyo@diane1859

Caroline Criado-Perez Weriya u dhashay ingiriirska isla markaana u ololeyso arrimaha dumarka@ccriadoperez

Jody Day Aasaasatay shabakadda Gateway Women network childless women@gatewaywomen

Es Devlin British theatre designer

Klara Dobrev Hungarian lawyer and economist

Efua Dorkenoo Howl-wadeen u ololeyso dagaalka ka dhanka ah gudniinka fircooniga @equalitynow

Sigridur Maria Egilsdottir haweeney caan ku ah doodaha dalka Iceland.

Marwa El-Daly Milkiila hay’ad muxali ah oo laga leeyahay dalka Masar@marwadaly7

Bushra El-Turk Haweeney u dhalatay Lubnaan haysatana dhalashada ingiriiska ooh al abburka sameysa@bushraelturk

Obiageli Ezekwesili Lataliye sare oo ka tirsan hay’adda Open Society Foundation@obyezeks

Caroline Farrow Qoraa hay’sata madhabta katooligga oo u ololeysa arrimaha dhanka noolasha@blondpidge

Anne Stella Fomumbod Haweeney u doodda xuquuqda dumarka dalka Cameroon

Teresa Forcades Soora u dhalatay Spain@TeresaForcadesF

Razan Ghazzawi haweeney faalooyinka intarneedka ku qorto oo u dhalatay dalka Suuriya @RedRazan

Rebecca Gomperts Dhakhtar u dhashay dalka Denmark ahna madaxa Women on Waves@rebeccagomperts

Tanni Grey-Thompson haweeney ku guuleysatay billdda dahabka ah 11 ciyaarood oo ah cayaaraha dadka curyaanka@Tanni_GT

Parveen Hassan Iskuduwaha dumarka dhaqanka ku dhagan ee dalka Britain@PrettyTory

Barbara Hewson Abukaate u dhalatay dalka UK@BarbaraHewson

Anis Hidayah haweeney u ololeysa xuquuqda shaqaalaha dadka soo galootiga ah ee dalka Indunisiya@anishidayah

Deborah Hopkins Hooyo u dhalatay ingiriiska isla markaana ka shaqeyso arrimaha siyaasadda @rugbymumno9

Rose Hudson-Wilkin baadariyad british ah oo u dhalatay Jamaica

Bettany Hughes Taariikhyahan, qoraa, weriye@Bettany_Hughes

Rubana Huq Bangladeshi textile manufacturer@Rubanahuq

Leyla Hussein Co-founder, Daughters of Eve, anti-violence campaigner@LeylaHussein

Heather Jackson milkiilaha Two Percent Club@jackson_heather

Shelina Zahara Janmohammed Qoraa buugaagta iyo faalooyinka lagu qoro intarneedka@loveinheadscarf

Laura Janner-Klausner Wadaad, ururka isbeddelka diinta Yahuudda ee Britain @LauraJanklaus

Aowen Jin Abwaan reer Shiine ah@aowenjin

Andy Kawa Ganacsata reer Konfur Afrika ah, waxay la dagaalantaa xadgudubyada@KwaneleEnuf

Tehmina Kazi Agaasimaha, Ururuka Muslimiinta Britain ee Dimuqraadiyadda aan diinta ku dhisnayn

Jude Kelly Agaasime faneed, Xarunta Southbank

Fereshteh Khosroujerdy Heesaa reer Iraan o indhol ah

Kanya King Maamulaha iyo aasaasaha, abaalmarinta heesaaha dadka madow ee Mobo@KanyaKing

Fawzia Koofi Mudane baarlamaan o horey u ahaan jirtay kuxigeenka guddoomiyaha baarlamaanka dalka Afghanistan@FawziaKoofi77

Dina Korzun Jilaa u dhalatay Ruushka

Betty Lalam (sawir lagama haayo) Macalimad wax ka dhigtay dalka Ugaandha

Martha Lane-Fox Ganacsata dhanka teknolojiyadda ee dadlka British-ka@Marthalanefox

Paris Lees Gabar u muuqato inay lab tahay oo weriye ah@ParisLees

Ann Leslie Weriye

Sian Lindley Gabar wax ka dhigta teknoolojiyadda arrimaha bulshada@SianLindley

Pontso Mafethe Mareeyaha barnaamijyada ee hay’adda Comic Relief.

Brooke Magnanti Gabarw qoraa ah oo ku takhasustay cilmiga Anthrobolojiga, @bmagnanti

Mmasekgoa Masire-Mwamba Kuxigeenka xoghaya guud ee ururka barwaaqa sooranka ee Commonwealth@commonwealthsec

Shirley Meredeen Aasaasaha hay’ad isku xirta dumarka gaboobay.

Samar Samir Mezghanni Gabar da’ yar oo qoraa reer Tunis ah oo rekor-ka jebisay@SamarMEZ

Shazia Mirza Majaajilaste reer Britain ah@shaziamirza1

Aditi Mittal Majaajilayste reer Hindiya ah@awryaditi

Rosmery Mollo Gabar u ololaysa dadka asal ahaan deganaa dalka Polivia.

Orzala Ashraf Nemat Aqoonyahan reer Afghnaistan ah oo u ololaysa arrimaha bulshada rayidka@Orzala

Pauline Neville-Jones Wasiirkii hore ee Britain ee ammaanka iyo ka hortagga argegixisada.

Susie Orbach Takhtar dhimirka iyo qoraa@psychoanalysis

Mirina Paananen Baare ku takhasusay diinta Islaamka

Claudia Paz y Paz Xeerilaaliyaha guud, Guatemala@mpclaudiapaz

Mariane Pearl Weriye u dhalatay Faransiiska@MarianePearl

Laura Perrins Hooyo guri jog ah oo aan shaqeyn@Lperrins

Charlotte Raven Gabar u dhalatay Britain oo weriye ah isla markaana u ololaysa arrimaha haweenka@charlotteraven

Gail Rebuck Maamulaha guud ee shirkadda daabacday buugaagta ee Random House ee dalka Britain@gailrebuck

Justine Roberts Aasaasaha, Mumsnet@Justine_Roberts

Sarah Rogers Raadiyaha codka dumarka ee Sierra Leone

Fatima Said Waxau u dhalatau dalalka Britain iyo Masar, waxay u ololaysaa arrimaha dimuqraadiyadda.@fattysaid

Balvinder Saund Guddoomiyaha Isbahaysiga dumarka haysta diinta Siikha

Kamila Shamsie Qoraa u dhalatay Pakistaan oo xarunteeda tahay Ingiriska@kamilashamsie

Divya Sharma Gabar u dhalatay dalka Hindiya oo ah Injineer dhanka korontada.

Bahia Shehab Gabar u dhalatay dalalka Lubnaan iyo Masar oo abwaan, waxay samaysay fanka taariikhda.

Joanna Shields Guddoomiyaha iyo Maamulaha hay’adda Tech City Investment@joannashields

Stephanie Shirley haweeney ganacsato ah isla markaana ka shaqeysa u gargaaridda dadka@LetITGoOfficial

Clare Short siyaasi u dhalatay Ingiriska isla markaana ahaan jirtay xog-hayaha hay’adda horumarinta caalamiga ee dalka Ingiriska.

Jacqui Smith Xoghayihii hore ee arrimaha dibadda ee ingiriiska @smithjj62

Kate Smurthwaite Majaajilayste u dhalatay dalka Britain@cruella1

Rainatou Sow Gabar u dhalatay dalka Guinea oo aasaastay ururka dhiiregeliyo dumarka. Louise Stephenson Trainee counsellor, UK

May Tha Hla Gabar u dhalatay dalka Burma oo aasaastay hay’ad dhista iskuulada.

Sarah Walker (sawir lagama hayo) Madaxa hay’ad wacyigelisa dumarka jirkooda ka ganacsada.

Natasha Walter Qoraa u dhalatay dalka Britain oo u ololaysa arrimaha dumarka.

Judith Webb Gabadhii ugu horreysay ee taliye u noqote cutub ciidan ah oo ka kooban rag kaliye dalka Britain@sjbwebb

Sacdiya Zahidi Madaxa hay’adda sinaantaanta raga iyo dumarka ee kulanka dhaqaalaha ee adduunka@zahidi

Dinara Zhorobekova Arday, Kyrgyzstan