Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Edna Somaliland ayay isbitaal ka furtay

Edna adan ismaaciil waxay tahay ruux dumar ah oo ka dhex muuqatay bulshada soomaalida, isla markaana ku guuleysatay in wax u qabato dadkeeda iyadoo Isbitaal weyn ka dhistay magaalada Hargeysa .

Isbitaalkaasi oo shaqeynaayay tobankii sano ee u danbeeyay waxaa si gaar ah uu xooga u saaraa dhalmada iyo daaweynta hooyada . in ka badan 14,000 caruur ah ayaa ku dhashay cisbitaalkaasi iyadoo lagu daweeynay bukaan gaadhaya ilaa 16,000 qof , sida Edna sheegtay .

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa tegay cisbitaalka Edna Hospital oo halkaas ku wareystay Edna adan Ismaaciil.