Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Askarnimada Dumarka

Shaqooyinka ragga looga bartay ee dumarku ku yar yihiin waxaa ka mid ah kuwa ciidamada Booliiska iyo Military-gaba.

Marka dumarku howlahaas qabtaa maxaa isbadala? Marka ay ugu yaraato dumarka ayaa ku dhiirada in ay arrimahooda u sheegtaa hadii ay arkaan gabar booliis ah. Waxaa arrimahaas ka mid ah kufsiga.

Hibo Saalax Saciid waa Gaashaanle, ka tirsan ciidamada Booliiska, waxayna madax ka tahay qaybta haweenka ee ciidanka boliiska somaliland.

Hibo, waa sarkaaladda ugu sarreysa xagga derejada dumarku ay qaataan dhammaan ciidamada kala duwan ee Somaliland.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa la kulmay oo waydiiyay xilligii ay ciidamada Booliiska ku soo biirtay: