Soo dejiso qalabka wax-ku-dhageysiga ee hoose

Muuqaal tayo sare leh mp3 (3 Mb)

Fartun Cabdisalaan

3 Nofembar 2013 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 22:55 SGA 19:55 GMT

Dhibaatooyinka dumarka ka soo wajaha bulshada Soomaaliyeed waxaa kuwa ugu waawayn ka mid ah kufsiga oo meelaha qaar aad ugu soo kordhay.

Fartuun Cabdisalaan Xaaji Aden, oo madax ka ah hay'adda Elman, xarunta nabada iyo xuquuqda aadanaha ee Elman, waxa ay ka shaqaysaa arimo dhawra oo ay kamid tahay u ololaynta ka hortaga kufsiga haweenka iyo ka shaqaynta nabadda.

Fartuun waxay caruur u dhashay allaha u naxariistee Elman oo ka u ololayn jiray xuquuqda dadka rayidka isla markaana wax badan u qaban jiray caruurta darbiyada jiifi jirtay oo uu shaqooyin u abuuri jiray.

Laba gabdhood oo ay dhashay ayaa hadda ku sugan Muqdisho, mid ka mid ah waa sarkaalad ka tirsan ciidamada.

Wariyaha BBC ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aden ayaa la Kulmay Fartuun oo kala sheekaystay waxqabadkeeda.