Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wareysi al-Fanaan Cawaale Aadan

Image caption Cawaale Aadan waa fanaan dhalinyaradi jecelyihiin

Heesaaga Reer Jabuuti Cawaale Aadan, ayaa waxa uu BBC uga warramay sida uu fankiisa ugu saleeyay nolosha qurbaha kadib markii uu degay waddanka Canada.

Fanaan Cawaale Aadan waxa uu sheegay in ay jiraan caruur Soomaaliyeed oo ku koray Waqooyiga Ameerika, kuwaasi oo aqoon u lahayn amaba ka helin muusiga iyo fanka Soomaalida.

Markaas ayuu go'aansaday inuu ugu sameeyo muusigga Soomaalida qaab ay ku jecleystaan caruurtaasi ku dhashay qurbaha oo aan aqoon luqadda Soomaaliga.

Weriyaha BBC Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa kala sheekeystay arrintaasi iyo isbeddelka fankiisa ku yimid markii uu degay Canada.