Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Mooshinka xukuumadda

168 xubnood oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta u gudbiyay guddoonka baarlamaanka Soomaaliya mooshin lagu dalbanayo in kalsoonida lagala noqdo xukuumadda uu hadda Raiisul Wasaaraha ka yahay Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Xubnaha baarlamaanka ee saxiixay mooshinkaasi waxaa ka mid ah Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah Guddoomiyaha guddiga xuquuqda aadanaha ee baarlamaanka oo, Weriyaha BBC Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa telefonka ku warreystay Khadiijo iyada oo jooga Muqdisho.