Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Jacob Zuma ayaa ku dhawaaqay geerida

Image caption Madaxweyne Zuma ayaa telefishinka kaga dhawaaqay geerida Mandela

Geerida Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika, Nelson Mandela waxaa telefishinka kaga dhawaaqay, Madaxweyne Jacob Zuma oo sheegay in uu geeriyooday Mandela isaga oo qoyskiisa ay la joogaan.

Waxa uu ku tilmaamay in Koonfur Afrika ay weysay wiilkoodii ugu weynaa, dadka Koonfur Afrikana ay waayeen aabahood.

Madaxweyne Zuma waxa uu sheegay in uu amray in calamada dalka hoos loo dhigo laga bilaabo berri ilaa maalinta la aasayo Mandela.