Soo dejiso qalabka wax-ku-dhageysiga ee hoose

Muuqaal tayo sare leh mp3 (2.6 Mb)

Taariikhda Cismaan Cilmi

4 Disembar 2013 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 16:10 SGA 13:10 GMT

Image caption Cismaan Cilmi Axmed waxa uu ka mid ahaa raggii furay idaacadda KBC qeybta af - Soomaaliga

Magaalada Nairobi waxaa dhowaan ku geeriyooday Cismaan Cilmi Axmed oo ahaa wariyayaashii ugu horeeyey ee bilaabay idaacadda KBC ee dalka Kenya, Ilaahay ha u naxariistee Cismaan Cilmi Axmed Jaamac waxuu ahaa rug caddaa taariikh weyn ku leh saxaafadda Dalka Kenya gaar ahaan idaacadda KBC laanta Soomaliga oo uu soo tababaray soona gacan qabtay wariyayaal ka shaqayn jiray.

Marxuumka oo lagu aasay qabuuraha Langatta ee magaalada Nairobi waxuu ifka kaga tagay lix gabdhood iyo sadax wiil, waxuuna ahaa ragii ugu horreeyey ee Soomaliyeed ee dadkooda wax bara.

Ilaahay u naxariisto marxuum Cismaan Cilmi Axmed waxaa taariikhdiisi ka warramaya weriyaha BBC Cabdirisaaq Xaaji Catoosh.