Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Edna Aadan: Waxaa naloo keenaa gabdho la guday

Image caption Edna Aadan oo Istuudiyaha BBC ugu warramaysa Farxaan Maxamed Jimcaale

Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo ah maamulaha isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee magaalada Hargeysa ayaa maanta nagu soo booqatay daartan NBH ee BBC.

Edna Aadan waxa ay dowladda waddankan Britain madaxdeeda ku boorineysay inay adkeeyaan shuruucda la xiriirta gabdhaha gudniinka firgcooniga lagu sameeyo.

Waxa ay la kulantay wasiirka arrimaha gudaha ee Britain Therasa May oo u balanqaadday in ay tallaabooyin adag ka qaadayaan ku dhaqanka caadadan fircooniga.

Farxaan Maxamed Jimcaale oo warreystay Edna aadan Ismaaciil ayaa weydiiyay sababta UK loogu arki waayay dad lagu helay danbiga gabdhaha la gudo.