Soo dejiso qalabka wax-ku-dhageysiga ee hoose

Muuqaal tayo sare leh mp3 (2.4 Mb)

Maxay yihiin dagaallo beeleedka ka socda Shabeellada Hoose?

16 Disembar 2013 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 10:02 SGA 07:02 GMT

Dagaalo u dhaxeeya labo beelood ayaa waxa ay maalintii seddaxaad ka soconayaan gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan deegaanno hoostaga Degmada Jannaale.

Dagaalkii ugu danbeeyay ayaa waxa uu ka dhacay tuulada Sagaaroole.

Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku dhintay dagaalkaas, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen.

Weriyaha BBC ee Muqdisho Maxamed Ibrahim Macallimu ayaa waxaa uu la kulmay guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Cabdiqaadir Sheekh Maxamad Nuur (Siidii) oo soo gaaray Muqdisho, waxaana uu weydiiyay marka hore, waxa ay yihiin dagaallada ka dhacaya Shabeellaha Hoose