Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Raiisal Wasaaraha Soomaaliya iyo howlaha horyaala

Waxaa xilka la wareegay Ra'iisal Wasaaraha cusub ee dowladda federaalka ee Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed, kaddib markii uu dhowaan baarlamaanku cod aqlabiyad ah oo aad u ballaaran ku ansixiyay magacaabiddiisa oo ka timid madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Barnaamijka doodda Jimcaha,galabta, waxaan kaga hadlaynaa dowladda cusub ee Soomaaliya iyo hawlaha culus ee horyaalla Ra'iisal Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, iyo fursadaha dimoqraadiyadda iyo xasilloonida ee dalka Soomaaliya.