Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaa ku dhaliyay Salaad Cali Jeelle inuu xisbi samaysto?

Magaalada Muqdisho ayaa looga dhawaaqay xisbi siyaasadeed oo loogu magac daray Xisbiga Midnimada iyo Dimuquraadiyadda.

Xisbigan ayaa noqonaya xisbiga afaarad ee laga aasaaso Soomaaliya oo ay colaad sokeeye ka jirtay muddo ka badan labaatan sano.

Waxaa madax ka ah Salaad Cali Jeele, oo dowladdii madaxweyne Cabdullahi Yussuf Axmed wasiir kuxigeen ka soo noqday, una tartamay jagada madaxweynenimada sanadkii 2012-ka.

Weriyaha BBC-da Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa Salaad Cali Jeele wareystay oo weydiiyay ujeedada laga leeyahay xisbigan