Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Mamnuucidda safarka habeenkii ee Kenya oo si kala duwan loo arko

Dowladda Kenya ayaa dhawaan mamnuucday safarrada habeenkii ee baabuurta dadweynaha.

Talaabadan ayaa xukuumadu waxay ku sheegtay in ay tahay mid looga hortagayo shilalka baabuurta siiba xilliyadda lagu jiro ciidda masiixiga.

Shirkadaha basaska ayaa arrintaasi diiday waxayna dacwad geeyeen maxkamadda sare, waxayna maxkamadda ogolaatay in dacwadooda la dhageysto.

Go'aankan ayaa la sheegay inuu saameyn ku yeeshay, ganacsiga iyo isu socodka.

Hadaba weriyaha BBC-da Axmed Xaaji Xasan ayaa ku safray wadada isku xirta Nairobi iyo Garissa , warbixintan ayuuna ka diyaariyey sida ay dadweynaha arrintan u arkaan.