Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland

Lahaanshaha sawirka
Image caption Wadahadalka Somalia iyo Somaliland.

Wadahadalada uga socday magaalada Istanbul ee Turkiga ergooyinkii ka kala socday dowladda federalka ee Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa waxa ay ku heshiiyeen in wadahadalka la sii wado, oo qorshe loo dejiyo wada hadalada mustaqbalka.

Waxaa kale oo ay ku heshiiyeen guddi xogheyn joogto ah oo labada dhinac ah oo fadhigiisu noqon doono dalka Turkiga, oo ka sii shaqeyn doona si joogta ah wada xaajoodka labada dhinac.

Waxaa lagu wadaa in mar kale ay kulmaan muddo sagaashan maalmood gudaheed ah.

Sidoo kale Wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland, Maxamed Biixi Yonis, ayaa ka hadlay waxa ka soo baxay wadahadalka oo u waramay Cabdiraxmaan Koronto.