Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Baydhabo oo laga taagay calan maamul cusub

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Madoobu Nuunoow Maxamed waa guddoomiye ku xigeenka shirka Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa maanta laga taagay calan cusub oo uu yeelan doono maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo siyaasiyiinta gobolkaasi ay sheegeen in uu ka kooban yahay lix gobol oo ergo ka kala socota gobolladaasi ay ka qeyb galayaan.

Shirka magaalada Baydhabo oo in muddo ah ka socday halkaasi ayaa dhawaan waxa uu ansixiyay dastuur, iyaga oo hadda ku guda jira dhameystirka maamulka cusub oo ka mid noqon doona nidaamka gobollada Soomaaliya.

Haddaba Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa ka warreystay halka ay wax u marayaan Madoobe Nuunoow Maxamed oo ah guddoomiya ku xigeenka guddiga daadihinaya oo jooga magaalada Baydhabo.