Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Cabdiweli: Waxaan hiigsaneynaa doorasho 2013

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed

Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa sheegay in xukuumaddiisu hiigsaneyso in Soomaaliya ay u gudubto doorashooyin xor ah marka la gaaro sanadka 2016.

Raiisul Wasaaraha oo wareysi siiyay BBC ayaa waxa uu sheegay in arrimaha ay xoogga ay saari doonaan ugu horreyso arrinta ammaanka sidii ay wax uga qaban lahaayeen.

Waxa uu ka hadlay qorshaha dowladda federalka Soomaaliya ay ku xoojineyso amniga dalka si ay ula dagaallamaan wax uu ku tilmaamay kooxaha nabad diidka ah.

Waxa uu sheegay in sidoo kale ay ka shaqeyn doonaan sidii loo dhameystiri lahaa dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya iyo sidii afti loogu qaadi lahaa.