Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waran-cadde: Waxaan go'aan ku gaarnay inaan masaaafurino

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cali maxamed Waran-cadde

Somaliland ayaa sheegtay inay masaafurin doonto saddex sarkaal oo ka tirsan dowladda Federalka ee Soomaaliya oo shalay lagu xiray garoonka dayaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Saraakiisha la xiray waxa ay kala yihiin Jaamac Maxamed Jaamac oo ka tirsan xafiiska hab-maamuuska ee Madaxtooyada Soomaaliya, Fahiima Nuur Nageeye oo ka tirsan xafiiska Raiisul Wasaaraha iyo Cabdi Casiis Aadan oo ka tirsan wasaaradda arimaha dibedda.

Wasiirrka arrimaha gudaha ee Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde ayaa sheegay inay doonayeen inay si sharci darro ah ku galaan Somaliland.

Dowladda federalka ee Soomaaliya weli kama aanay hadlin arrinta xarriga saraakiishaasi.

Haddaba Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa ka wareystay Wasiirka xaaladdooda iyo sababta ay u xireen saraakiishan ka tirsan dowladda federalka Soomaaliya.