Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Nin caynkee ayuu ahaa Cabdirisaaq Xaaji Xuseen

Raii'salwasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa ku geeriyooday dalka Maraykanka, waxaa lagu qiyaasayaa da'diisa sagaashan.

Muddo toddobaad ah ayuu ku xanuunsanayay isbitaal.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa umadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey, waxaana uu sheegay in Marxuumku door weyn ka soo qaatay halgankii xoriyadda ummadda Somaliyeed iyo dhisitaanka Dowladda Soomaaliya.