Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qof goobjoog ahaa weerarkii madaxtooayada

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Weerarka ka dhacay xarunta madaxtooyada waxa uu ku bilowday qarax baabuur

Mareykanka, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, Midowga Reer Yurub iyo dalal kale oo ay ka mid tahay Canada ayaa cambaareeyay weerarkii lagu qaaday xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Weerarkaasi oo ay sheegteen inay ka dambeeyeen al-Shabaab waxa ku dhintay 12 qof oo isugu jiray raggii wax soo weerarray saraakiil sare oo dowladda ka tirsanaa.

Haddaba Maxamed Suldaan Deeqow ayaa waxa uu ka mid ahaa dadkii goobjoogga ahaa ee ku jiray masaajidka madaxtooyada xilligii weerarku bilowday waxa uu uuna BBC uga warramay wixii dhacay.