Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xuska maalinta afka hooyo

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay buugaag Soomaali ah

Magaalada London waxaa lagu dhigay barnaamijk lagu maamuusayo maalinta caalamiga ah ee Afka Hooyo ay Qaramada Midoobay u aqoonsatay ee 21 Febraayo.

Xuska oo ay ka soo qaybgaleen Soomaalida ku dhaqan magaalada London, waxaa soo qaban qaabiyay Naadiga Qalinleyda iyo Hal abuukra Soomaaliyeed ee la Somali PEN, waxaana ay ku soo bandhigeen buugaag, sheekooyin iyo doodo ka hadlaya afka Soomaaliga.

Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa ka wareystay Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon oo ah guddoomiyaha Somali PEN ee UK.