Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qatarta daryeel la'aan dhalidda hooyooyinka

Rabshadaha ka sii socda South Sudan, waxay keeneen in boqolaal kun oo qof ay guryahooda ka cararaan. Qaar badan oo ka mid ah, ayaa hadda u baahan daryeel caafimaad oo degdeg ah.

Dumarka uurka leh ayaa qatarta ugu wayn ku jira.

South Sudan waxay ka mid tahay meelaha ugu qatarta badan adduunka ee hooyooyinku ku dhalaan, sida ay sheegtay warbixin cusub oo ay soo saartay hay'adda samafalka Save the Children.

George Alagiah ayaa baarayay dhibaatooyinka haysta dumarka iyo shaqaalaha daryeelka caafimaadka ee ku nool tuulada fog ee Nimule.