Soo dejiso qalabka wax-ku-dhageysiga ee hoose

Muuqaal tayo sare leh mp3 (3.5 Mb)

Kenya: Soomaali lagu celinayo Muqdisho

9 Abriil 2014 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 08:34 SGA 05:34 GMT

Dad ay booliska Kenya ay ku xareynayaan Kasarani

In kabadan 80 qof oo Somali ah ayaa lagu celinayaa dalka Somaliya maant. dadkaas oo ka mid ah kuwii laga qabqabtay xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi.

Booliska Kenya ayaa sheegay kol hore inay xireen ugu yaraan 3000 oo qof intii uu socday hawlgal xagga ammaanka ah oo bilawday maalintii Jimcihii.

Madaxa booliska Kenya, David Kimaiyo, waxaa uu sheegay in qiyaastii 450 qof oo la tuhunsan yahay ay ku sameynayaan baaritaan dheeraad ah, kuwaas oo intooda badan lagu hayo garoon ciyaaraha oo ku yaal Nairobi.

Waxaa maalmahan ku sugnaa magaaladda Nairobi, wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdulaahi Goodax Bare, oo madaxda Kenya kala hadlay arrinta Soomaalida Nairobi.

Wasiirka ayaa sheegay in Kenya ay kala hadleen dadka aan sharciga haysan lagu celiyo Somaliya, halkii xabsiyada la isaga hayn lahaa.

Safiirka SOmaliya u joogo Kenya, Maxamed Cali Nuur ayaa tilmaamay in dadka iyagu ay dalbadeen in lagu celiyo Somaliya, balse ehelada dadkaasi way beeniyeen hadalkaasi.