Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhaantada iyo xilliga Gu'ga maxaa ka dhaxeeya?

Ciyaarta dhaantada ee hiddaha iyo dhaqanka u leeyihiin Soomaalidu, ayaa xilliga roobka ee gu'ga aad ay dhallinyaradu gaar ahaan kuwa ku nool miyiga ay u ciyaaraan.

Abwaan Cabdullaahi Baarleex, oo haatan ku nool magaalada Hargeysa, waxa uu ka mid yahay ragga aadka u tuma ciyaarta dhaantada.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige, ayaa la kulmay abwaan Baarleex oo inooga warramay, sida ay wiilasha iyo hablaha reer miyigu isugu shukaansadaan dhaantada xilliga gu'ga.

Ugu horreyna waxa uu abwaanka ka warramayaa waxa ka dhexeeya ciyaarta dhaantada iyo xilliga gu'ga.