Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wareysiga Madaxweynaha Khaatumo

Madaxweynaha maamul goboleedka Khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac Indho-sheel ayaa BBC u sheegay in shacabka iyo ciidanka Khaatumo ay ka saareen ciidanka Somaliland ee qabsaday magaalada Taleex.

Waxaa kale oo uu qirtay in cadaadis kale oo la saarayna ay sabab u ahayd in Somaliland isaga baxdo Taleex.

Indha-Sheel oo dib ugu laabtay magaalada Taleex kaddib markii ciidanka Somaliland ay isaga baxeen shalay ayaa waxa wareystay weriyaha BBC Farxaan Maxamed Jimcaale.