Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Arday Soomaali ah oo warqado u qoray qaxootiga Suuriya

Arday Soomaali ah oo dhigta dugsi hoose dhexe oo ku yaal xerada qaxootiga ee Dhagaxley, ayaa warqado dhiiri-gelin ah waxay u qoreen caruurta ka soo qaxay Suuriya ee kunool xeryaha qaxootiga ee ku yaala dalka Urdun.

Ardeydan ayaa waxa arrintan gacan ka siisay hay'adda Care International oo warqadaasi u gudbisay caruurta qaxootiga ah ee reer Suuriya.

Haddaba maxay warqadahaasi ku qoreen? Maxaase ku dhaliyay in ay marka horaba warqad u qoraan caruur kale oo qaxooti ah?

Waxaa inoo suurtagashay in aan su'aalahaa waydiino qaar ka mid ardaydii warqadaha qoray.

Waxay u warrameen weriyaha BBC Maxamed Cabdiraxmaan Sheekh.