Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xildhibaan Yusuf Xasan oo ka hadlay howlgalka Islii

Iyadoo ku dhawaad saddex usbuuc uu socda howl-galka ka socda xaafadda islii ee magaalada Nairobi ayaa maalmo ka hor waxaa madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta la kulmay tiro xildhibaana ka tirsan baarlamaanka Kenya oo soomaali ah si ay madaxweynaha ugala hadlaan xaaladda ka dhalatay howl-galka ay ciidamada ka wadaan xaafaddan ay soomaalida u badan tahay.

inkastoo uu kulankaasi dhacay, ilaa iyo hadda majirto wax iska badalay howlgalka, welina wuu ka socdaa xaafadda Islii iyo xaafado kale oo ka mid ah magaalada Nairobi.