Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Barre Hiiraale oo qaaddacay shirka ka furmay Kismaayo

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed, oo muddo 7-aad ah joogay magaalada Kismaayo ayaa furay shir dib uheshiin ah oo lagu soo afjarayo khilaafka iyo colaadda ka taagan gobolka.

Haddaba shirkaasi waxaan la dhacsaneyn oo gaashaanka u daruuray Korneel Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale), oo isagoo gobolka Jubada Hoose jooga khadka telefoonka ugu warramay weriyaha BBC Maxamed Ibraahim Macalimuu, oo waydiiyey waxa uu uga qeyb gali waayay shirka dib u heshisiinta ee ka bilwday magaalada Kismaayo.