Olole Soomaali Kenya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ololaha "Kenya, anigu argagixiso ma ahi"

Iyada oo ciidamada ammaanka ee Kenya ay weli xaafada Islii ka wadaan baaritaan ay sheegeen in ammaanka lagu sugayo, ayaa dadka Soomaalida ah ee xaafada ku dhaqan waxa ay ka cabanayaan qaabka ay booliska ula dhaqmaan.

Waxaa soo baxayay qaabab kala duwan oo ay Soomaalida ku dhaleeceynayaan raafka ka socda Islii.

Olole loogu magac daray Kenya, anigu argagixiso ma ahi, oo ay wadaan koox dhalinyaro ah ayaa ka mid ah tallaabooyinka looga soo horjeedo qab qabashada Islii ka socota.

Haddaba weriyaha BBC-da Cabdifitax Ibraahim Cagayare ayaa la kulmay qaar ka mid ah dhalinyaradii soo qaban qaabisay ololahani.