Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dood ku saabsan howlgalka Nairobi oo Muqdisho lagu qabtay

Magaaladda Muqdisho waxaa lagu qabtay dood cilmiyeed looga hadlayay dhibaatooyinka ka dhashay hawlgaladda ciidamadda Kenya ay ku qabqabteen kumanaan qaxooti Soomaali ah kuwaas oo qaarkood dib loogu soo celiyay Soomaaliya. doodaasi ayaa lagu eegay sida xal loogu heli karo mushkiladaha ay arintaasi dhalisay.

Dood cilmiyeedka oo ay soo agaasimeen machadka daraasaadka siyaasada ee Heritage ee Soomaaliya ayaa waxaa ka qayb galay wakiillo ka socday qaybaha bulshada iyo hay'adaha dawladda. Wariyaha BBC Ibraahim Maxamed Adan ayaa Agaasime kuxigeenka Machadka Heritage C/rashiid Khaliif Xaashi waydiiyay sababta xiligan keentay in ay qabtaan dood looga hadlayo dhibaatooyinka qaxootiga Soomaalida ku haysata dalka Kenya.