Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hooyada dhashay wiilka Taayarka diyaaradda ku safray

Hooyadda dhashay wiil 16 jir Somali ah, oo sheeg diyaaradeed ku safray inta u dhaxeysa gobolada California iyo Hawaii ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in wiilkeeda uu aabihii ugu sheekeeyay in hooyadii ay kol hore dhimatay.

Markii uu ogaaday in hooyadii ay nooshahayna uu sameeyay falka la yaabka leh.

Ubax Maxamed Cabdullahi waa hooyada dhashay wiilkaasi, waxaana iyada oo ku sugan xerada qaxootiga ee Sheed dheer ee dalka Itoobiya khadka telefoonka ugu warrantay weriyaha BBC-da ee Maraykanka, Maxamed Xaji Xuseen.