Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Mucaaradka: Uganda haka baxdo S Sudan

Image caption Mid kamid ah hogaamiyayaasha laga siidaayay Xabsiga

Hogaamiyaha Mucaaradka South Sudan, Riak Machar ayaa soo dhaweeyay afar siyaasiyiin sare oo shaly xabsiga laga siidaayay.

Madaxweyne kuxigeenkii hore ayaa sheegay in dembiyada lagu oogay siyaasiyiintaasi inay noqdeen kuwo aan waxba ka jirin.

Siyaasiyiinta la sii daayay waxaa kamid ahaa hogaamiyihii hore ee xisbiga talada haya ee SPLM, kaaso lala xiriirinayay dagaalka ka dhanka ah madaxweyne Salva Kiir.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka South Sudan Riak Machar ayaa BBC-da u sheegay in dowladda ay hadda go’aansatay inay siidayso afarta Siyaasi. Wuxuuna ku adkeystay in ay yihiin eedlaawayaal la xiray.

Hogaamiyaha kooxda Mucaaradka ee ka soo horjeeda dowladda Salva Kiir ayaa tilmaamay inay ahayd in sadax bil kahor lasiidaayo raggan haddii dowladda ay diyaar u ahayd wadaxaajood.

Waxa uu aaminsan yahay in go’aanka keli ah ee madaxweynaha u furan inuu yahay in dalka laga saaro wax uu ku tilmaamay duullaan.

Waxa uuna dalbanayaan in ciidamada Ugandha iyo kooxaha kale ay ka baxaan South Sudan si heshiis nabadeed loo gaaro.

Waxa uu beeniyay Raik Machar in kooxdiisa ay ka dambeysay dilkii ka dhacay Bentiu, kaasoo lagu baltilmaameed saday dad rayid ahaa oo ay kujireen ganacsato aan u dhallan South Sudan.

Image caption ciidamo kusugan goob dagaal uu ka dhacay

Wuxuu sheegtay inay ciidamada dowladda iyo xalafadooda ay kaga adkaadeen dagaalka ka socdo magaalooyiinka saliidda hodanka ku ah.

Madaxweyne kuxigeenkii hore ee South Sudan ayaa la hadlay xubnaha urur goboleedka IGAD iyo beesha caalamka, wuxuuna sheegayaa inuu u muujiyay in nabadda diyaar uu u yahay.

Afarta Siyaasi ee la siidaayay ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen iskudeyn afgembi oo ka dhaco South Sudan, iyo dagaalada Sokeeye.

Dowladda ayaa meesha ka saartay dhammaan eedaha loo haystay siyaasiyiinta oo uu ka mid ahaa hogaamiyihii hore ee xsibiga talada haya ee SPLM Pagan Amum.

Siideyntooda waxay ahayd dalabkii ugu weynaa ee mucaaradka.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dadka ka qaxay guryahooda ee dhibaatooyiinka ay haystaan

Qiyaastii halmilyan oo qof ayaa lagu qasbay inay guryahooda ka qaxaan tani iyo markuu dagaalka bilowday bishii December ee sanadkii 2013-ka.

Khamiistii aanu soo dhaafnay, golaha ammaanka ee Qaramada midoobey ayaa ku hanjabtay in cunna qabateyn lasaarayo kuwa masuulka ka ah qalalaasaha.

Hadal adag oo galuhu uu jeediyay, waxa ay ku qeexeen “cabsi iyo argagax” dil wadareed boqollaal rayid ah Isbuucii hore loogu geystay magaalada Bentiu ee gobolka saliidda hodonka ku ah ee Unity State.

Weiyayaasha ayaa dilka Bentiu ku tilmaamay inuu yahay kii ugu xumaa tani iyo markuu dagaalka bilowday.