Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhibaatada uu kaluumaysiga sharci darrada ah ku hayo Soomaaliya

Image caption wiil Soomaali ah oo si cajiib ah u jeeni qaarsan kaluun

Wasiirada Kaluumaysiga ee wadammada Afrika ayaa kulan kuleh magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaasi oo looga hadlayo horumarka laga sameeyay joojinta kaluumaysiga sharci darrada ah ee lagu hayo badaha qaarada Afrika.

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay wadammada Afrika ugu xeebta dheer, sanadkastana malaayiin dollar ku waysa maraakiibta sida sharci darrada ah uga kaluumaysta badaheeda.

Weriyaha BBC Ibraahim Maxamed Adan, ayaa warbixintan ku eegaya dhibaatada ay kaluumaysatada Soomaalidu kala kulmaan maraakiibta waawayn ee sida sharci darada ah uga kaluumaysta badaha Soomaaliya.