Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xorriyadda Saxaafadda Soomaaliya

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Cabdiweli Xasan Xaashi waa weriye ka tirsan telefishinka Qaranka ee Finland

Caalamka waxaa si weyn looga xusayay maalinta xorriyadda saxaafadda oo diiradda lagu saaray cadaadiska iyo dhibaatooyinka kale ee dawladaha iyo maamulo badan oo caalamka ay ku hayaan weriyayaasha.

Sanadkan liiska dalalka caalamka waxaa ee ugu liita xaggada xorriyada saxaafadda waxaa saddexda waddan ee ugu liita ay kala yihiin Turkmenistan, North Korea iyo Eritrea, kuwaasi oo aan lagu tilmaami karin in wax xorriyad ah ay ka jirto.

Wadamada ugu wanaagsan caalamka ee xorriyadda waxaa iyana sanadkii afraad number ku jirta Finland iyada oo ay soo raacaan Netherlands iyo Norway.

Marka la eego Soomaaliya xaalkeedu waa halis, laakiin weli xorriyad saxaafad way ka jirtaa inkasta oo la dilo ama la cadaadiyo.

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Tababarkan waxaa sidoo kale gacan ka geystay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya

Haddaba wasaaradda arrimaha dibedda ee Findland ayaa barnaamij ay dhaqaale ku bixisay maanta laga furay Muqdisho oo lagu tababarayo weriyayaasha Soomaaliya.

Tababarkan oo ku soo beegmay maalintan xorriyadda saxaafadda ayaa weriyayaasha lagu barayaa arrimo badan oo la xiriira xirfadda saxaafadda.

Cabdiweli Xasan Xaashi, oo ah weriye Soomaali Finish oo ka shaqeeya telefishinka qaranka ee Finland ayaa ka mid ah dadka wada tababarkaasi.

Waxaa uu qadka Skype ee magaalada Muqdisho ugu warramay weriyaha BBC Farxaan Maxamed Jimcaale.