Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Sida uu yahay gargaarka ay helaan qaxootiga Dhadhab

Sannadkii hore hay'adda qaxootiga ugu qaabilsan QM ee UNHCR ayaa waxay yareysay raashinkii la siin jiray qaxootiga soomalida ah ee kunool xeryaha qaxootiga ee Dadaab.

Qaxootiga ayaa waxay ka cabanayaan cunno yari iyo nafaqa daro.

Weriyaha BBC ee Bashkas Jugsoodhacay ayaa tagay xeryaha Dahdhaab wuxuuna isku deyay inuu wax ka ogaado sida uu yahay gargaarka ay helaan qaxootiga.

Waxa uu sheegayaa in dadka ay aad uga cabanayaan qiyaasta rashiinka la siiyo iyo mudada loogu talagalay oo ay tilmaameen inaysan ku filneyn.

Madaxa Hay’adda UNHCR ee Dhdhaab, Maxamed Warsame, ayaa sheegay in cuntada gargaarka uu yahay mid wanaagsan dadkana si fiican loosiiyay.

Yareynta raashiinka ayuu ku sheegay inay ahayd mid waqti yar socotay, haddana sidii hore lagu celiyay.