Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi wasiirka Amniga Soomaaliya

Lahaanshaha sawirka Koronto
Image caption Wasiirka Amniga Soomaaliya, Cabdikariim Xuseen Guuleed

Wasiirka Amniga Qaranka dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ku sugan magaalada London.

Wasiirka oo saaka hadal ka jeediyay xarunta daraasaadka ee Catham House, ayaa ka waramay guud ahaan xaaladda amniga dalka.

Cabdiraxmaan Koronto, ayaa wasiirka la kulmay kadib markii uu ka hadlay xarunta, waxaana uu marka hore waydiiyay wasiirka in uu ka warbixiyo booqashadiisa.