Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Doorka siyaasadda ee haweenka Koonfur Afrika

Dalka Koonfur Afrika waxaa uu ka mid yahay dalalka ugu horeeyo dhanka horumarka qaaradda Afrika, marka la eego dhaqaalaha iyo siyaasadaba.

Dhanka siyaasadda, boqolkiiba 40 baarlamaanka Koonfur Afrika waxa ay yihiin haween, halka golaha wasiiradana 14 ka mid ah ay haween yihiin, waxaana ugu muhiimsan jagooyinka ay hayaan haweenkaasi sida, wasiiradda difaaca, macdanka, tamarta, hormarinta bulshada.

Haddaba muxuu yahay dowrka ay haweenka Koonfur Afrika ku leeyihiin siyaasadda dalkooda?

Weriyaha BBC-da Cabdifitax Ibrahim Cagayare ayaa su'aashaasi iyo su'aalo kale weydiiyay Suleekha Daahir Xuseen oo Koonfur Afrika muddo ku nooleyd qaadatayna sharciga dalkaas.