Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waxbarashada Islii iyo saameynta howlgalada

  • 10 Maajo 2014

Howlgalka ay ciidammada ammaanka ee dalka Kenya ka wadaan Nairobi, gaar ahaan xaafadda Islii ee soomaalidu degan tahay ayaa saameyn dhinacyo badan ah reebay.

Waxaa saameyntaasi ka mid ah in iskuulaadda gaarka loo leeyahay ay arday badan ka baxeen, kaddib markii ay reerahoodii isaga guureen magaalada amaba laga musaafuriyay dalka Kenya.

Qaar badan oo ka mid ah iskuulada xafadda Islii ayaa la iska xiray, halka inta hadda furanna ay qarka u saran yihiin in la xiro.