Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xaaladda Soomaali ku xiran garoonka Jomo Kenyatta

Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi ayaa ka dayrineysa xaaladda ay ku sugan yihiin dad Soomaali ah oo ku xiran garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi ee Jomo Kenyatta.

Booliska Kenya ayaa dadkaasi ku soo qabtay howlgal la sheegay in lagu sugaya ammaanka caasimada, kaasi oo lagu bartilmaamed sanayo dadka sharci la’aanta ah.

Dadkani soomaalida ah ayaa sugaya in loo musaafuriyo dalkooda hooyo.

Xoghayaha koobaad ee safaaradda Soomaaliya ee Kenya, Cali Maxamed Sheikh (Cali Bagadi), ayaa BBC-da u sharaxay waxa halkaasi ka jira.