Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dowladda K/Sudan oo is difaaceyso

Dowladda Koofurta Sudan ayaa sheegtay inay is difaaceyso haddii mucaaradka ay weerar ku qaadaan xarumaheeda.

Afhayeen u hadlay madaxweyne Salva Kiir ayaa BBC-da u sheegay inaysan dhankooda ku xadgudbi doonin heshiiska xabad joojinta.

Heshiiskaasi oo maalin ka hor ay saxiixdeen madaxweyne Salva Kiir iyo hoggaamiyaha fallaagada Riek Machar ayaa dhaqan galay xalay saqdii dhexe.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay sidoo kale in ay dhistaan dowlad wadaag oo ku meel gaar ah si loo soo afjaro colaadda muddo shan bil ah ka socotay dalkaasi oo ay ku dhinteen kumannaan qof.

Qaramada Midoobey waxa ay ugu baaqday dowladda iyo fallagada Koonfurta Suudaan in ay fududeeyaan sidii gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka tabaaleysan.