Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Heesta Hooyo iyo qisadeeda

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Hooyo Soomaaliyeed

Maanta waxay ku beegenyd maalinta caalamiga ee hooyada oo ah maalin lagu maamuuso doorka wanaagsan ee hooyada ay ku leedahay bulshada.

Haddaba dhinaca Soomaaliya markaan eegno waxtarka iyo qiimaha hooyadu leedahay waxaa si weyn uga hadlay culimada Soomaaliyeed, waxgaradka iyo abwaaniinta Soomaaliyeed.

Heesta caanka ah ee Hooyo waxa curiyay abwaanka Maxamed Ibrahim Warsame Hadraawi, waxaa Allaha u naxariistee ku luuqeeya Maxamed Suleymaan Tubeec.

Haddaba qisada heestaasi hooyo lagu sameeyay ayaa Xasan Sabriye Afrax (Xasan Garayt) oo u sameeyay laxanka waxa uu uga warramay Farxaan Maxamed Jimcaale.