south Africa
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Natiijada doorashadii Koonfur Afrika oo lagu dhawaaqay

Guddiga doorashada ee dalka Koonfur Afrika ayaa shalayto galinkii dambe si rasmi ah u shaaciyey natiijadii kama dambeysta ahayd ee doorashadii guud ee dalkaasi.

Doorashadaasi ayaa waxa ku guuleystay xisbiga talada haya ee Afrikan national congress oo loo soo gaabiyo ANC.

Haseyeeshee natiijadu waxa ay sidoo kale muujinaysaa in kooxaha mucraadka ah ay sii xoogeysanayaan oo guulo aan la fileyn ay ka soo hooyeen doorashadaasi.

Weriya BBC-da Abdifitah Ibrahim Cagayare doorashadaasi nooga soo waramayay maalmihii la soo dhaafay ayaa joogay goobta natiijada looga dhawaaqay, warbixintaan ayuuna halkaasi ka soo diray.