Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ganacsiga Soomaalida K/Afrika iyo caqabadaha haysto

Dalka Koonfur Afrika waxa la soo gaba-gabeeyey doorashadii la qabtay todobaadkii tagay, dadkuna noolashoodii caadiga ahayd ayey dib ugu laabnayaan.

Kummanaan Soomaali ah ayaa ku nool dalkaasi, intooda badanna waxa ay ku haystaan ganacsiyo kala geddisan.

Cabdiraxman Maxamed Xuseen oo ka mid ah gannacsatada soomaalida ayaa sheegay in sababo badan ay dhaliyaan caqabadaha hortaagan ganacsiga SOmalida.

Waxaana ka mid ah caqabadahaasi, in Soomaalida aysan dhexgallin bulshooyiin ka kale iyo tartan dhanka dhaqaalaha ah.