Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waa maxay ujeedada odoyaasha booqanaya Somaliland?

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Maxamed Xasan Xaad waa guddoomiyaha odoyaasha dhaqanka ee booqanaya Somaliland

Somaliland waxaa booqanayay maalmahan odoyaal dhaqameed ka badan afartan oo ka socda dhinaca koonfurta Soomaaliya.

Odoyaashaasi waxay sheegeen in aanay wax siyaasad ah u socon, laakiin waxa booqashadoodu ay ka abuurtay guux siyaasadeed Somaliland gudaheeda, iyada oo warar kala duwan laga bixiyay booqashadooda.

Haddaba si aan wax uga ogaanno ayaa waxa aannu wareysanay guddoomiyaha odoyaashaasi Soomaaliyeed ee dhaqanka Maxamed Xasan Xaad isaga oo hadda jooga magaalada Boorame.

Weriyaha BBC Farxaan Maxamed Jimcaale oo telefonka ku wareystay ayaa weydiiyay ujeedada socdaalkooda.