Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhibaatada haysata Soomaalida Koonfur Afrika

Waxaa in badan ka dhaca dalka Koonfur Afrika dilal iyo dhac loo geysto Soomaalida ka ganacsata dalkaasi.

Caasimadda Pretoria waxaa ka furan safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika, waxaana ay mas'uuliyiinteedu sheegayaan in ay dadaal badan ka geysteen sidii wax looga qaban lahaa dhibaatadda lagu hayo Soomaalida dalkaasi.

Haddaba weriyaha BBC-da Cabdifitax Ibrahim Cagayare oo dhawaan safar shaqo ku tegay Koonfur Afrika, ayaa wareystay qunsulka safaarada Soomaaliya ee Pretoria ahna ku simaha safiirka, Maxamed Cali Mire, waxaana uu ugu horeyn weydiiyay waxa ay ka qabteen dilalkii ugu dambeeyay ee Soomaalida loo geystay.