Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xawaaladaha Soomaalida ee Mareykanka oo caqabad soo food saartay

Xawaaladaha Soomaalida ee ka shaqeeya wadanka Mareykanka, ayaa bangiga ugu weyn ee hadda lacagaha u xawila waxa uu ku wargaliyay in aanu lacag danbe ka xawilayn laga bilaabo 20-ka bisha June ee soo socota.

Arrintan, ayaa walaac badan ku keentay Soomaalida Mareykanka ee lacagaha xawila dalka Soomaaliya.

Waxa ay ku soo beegmeysa iyada oo bishan horaanteedii uu meel mariyay congress-ka Mareykanku mooshin ku saabsan xawaaladaha oo dabcinaya caqabadaha haysta.

Waxaa la sugayaa in uu sharci noqdo mooshinkaasi markuu meel mariyo golaha senate-ka uuna saxiixo madaxwaynaha.

Cabdicasis Sugule, waa siihayaha xilka guddoomiyaha urur kulmiya shirkadaha xawaaladaha Soomaalida ee magaciisa loo soo gaabiyo SAMSA.

Weriyaha BBC-da Mohamed Haji Hussein, ayaa ka waraystay Cabdicasis, wuxuuna ugu horayn waydiyay dareenkooda ku aadan arrintan.