Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

HRW: oo warbixin ka soo saartay maxkamadaha Soomaaliya

Hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, ayaa warbixin ay saaka soo saartay waxa ay ku sheegtay in maxkamadda ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya ay tan iyo sanadkii 2011-kii ay xukun ku riday boqollaal qof, kuwaas oo aysan sharciyad u lahayn maxkamadeyntooda, amaba ay si ka hooseysa xeerka caalamiga ee dacwad qaadida u xukuntay.

Human Rights Watch ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya in si deg deg ah ay kiisaska rayidka ah ugu wareejiso maxkamadaha madaniga ah.

Gudoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, Gaashaanle Liibaan Cali Yarow, ayaa eedahaasi ku tilmaamay waxba kama jiraan, waxa uuna sheegay in hay’addaha aanay ka warqabin waxa ka socda gudaha Soomaaliya.

Warbixinta HRW iyo wareysiga Gaashaanle Liibaan waxaa noo diyaariyay Maxamed Cabdiraxmaan Sheekh.